THE NEW SOMALIA of President Darman

SOMALI NEWS

 

[ HOME ] WEATHER ] GLOBAL EVENTS ] CONTAC US ] HISTORY ] PICTURE GALLERY ]

WE ARE NOT RESPONSIBLE FOR THE CONTENT OF THE FOLLOWING WEB SITES.

check it out / la sooco shabakada usuubsomaligovernment

Allpuntland

Arlaadi.Com

Arlaadinet

Buuloburde

Buur Hakaba
Balcad

Banaadiri
Bakaaraha
BBC Somaali

Banadir

Burtinle Online

Cadaado.Net  

Dayniile

Gedonet

Goobjoog

Hiiraan.com 

HornAfrik Online  

Jamhuuriya
Jiimo Net

Jowhar Online

Kismayo

Mudug-Online
Marka Cadeey

Mudulood

Onkod

PuntlandTimes

Qaranimo.com

Ruunkinet

Somalipost

Suxufi
Somal News Somaliawatch.org

Somaliland.org

Somaliland
Somali Sunah
SomaliNet
Somaliwide

Somalitalk.com  

Somalitribune
Somalidoon
SBC Online
Saafi Studio

SOMALI GOVERMENT

Xeraale
Wardoon
Warsan
Yaaqshid
Yoobsan

 


MADAXDA SARE EE DOWLADDA FEDERALKA KMG AH OO DHABAR JABKII UGU HOREEYAY EE DHINACA SIYAASADDA AY KA SOO WAJAHDAY JAAMACADDA CARABTA KADIB MARKII LABO LAAD OO IS DABA JOOG AH LA ISUGU DARAY BIL GUDAHEED!!!

Sabti, January 22, 2005 (HOL) @17:30GMT: Kadib markii uu soo shaac baxay mugdiga dhinaca siyaasadda ee soo kala dhexgalay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay iyo Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayay haatan soo if-baxayaan in khilaafkaas uu noqonayo mid si weyn u sii xoogeeystay

Dowladda Sacuudiga oo iyada balanqaaday inay Xajka sanadkaan ka bixineyso ugu yaraan 70-Xubnood oo ka tirsan Dowladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana xubnihii loo qorsheeyay isu diyaariyeen u safarka Xarumka Alle ayaa mar qura laga war helay in martiqaadkoodii ay dowladda Sacuudiga faraha u gelisay Xukumaddii hore ee TNG da Cabdiqaasim Salaad Xasan, taasoo iminka xubno ka socday oo ka tegay Muqdisho ay soo guteen Waajibaadkii Xajka ee sanadkaan, waxayna arrintaasi Madaxda Dowladda cusub ee Soomaaliya ku noqotay laadkii ugu horeeyay ee kaga yimaada dhinaca dal ka mid ah kuwa ugu firfircoon ee ku jira Jaamacadda Carabta, iyadoo taasina ay ka horeysay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo dabayaaqada sanadkii tagay booqday Magaalada Qaahira uu la kulmi kari waayay dhiggiisa dalkaas ee uu martidda u ahaa Mudane Maxamed Xusni Mubaarak.

Inkastoo uu Ra’isul Wasaare Geedi oo wax laga weydiiyay in ay shaki dhalin karto mowqifka dowladda Sacuudigga ee ay ku taageereen Xukuumaddii hore ee Cabdiqaasim Salaad iyo in kale ayaa ku gaabsaday in xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga ay weli u arkaan mid aad u wanaagsan, walow aanu soo hadal qaadin sida ay u maamuleen xubnahii Soomaaliya ka aaday Xajkii sanadkan, ”anigu ma qabo midaas waayo wufuud ka socoto dowladda oo uu hogaaminayay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo dhowaan booqday dalkaas ayay qoyska Reer Boqor siiyeen waqti ka badan intii ay hore u qorsheeyeen in ay qaadato wada hadalladooda” ayuu yiri Ra’isul wasaare Geedi, walow la ogsoon yahay in wafdigii uu hoggaaminayay Cabdullaahi Yuusuf u suurta gelin in ay la kulmaan Boqor Fahad-ka Sacuudiga.

Safiirka Sacuudigga u qaabilsan dalka Kenya oo la gaarsiiyay Cabashadda ku saabsan arrintaas ayaa laga soo xigtay in ay Dowlad ahaan aad ula yaabeen codsiyo is barbar socda oo ay Madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya ku weeydiisanayeen in midkiiba tira gaar ah laga siiyo Xujaaydii sanadkaan, isagoo xusay in Baarlamaanka kaligood ay soo weydiisteen dhowr iyo todobaatan xubnood halka Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’isul Wasaarahana ay kaga yimaadeen dalab ceynkaasi ah iyadoo uu Wasiir Arrimo Dibadeedka Xukuumadda cusub uu isagana kaligiis soo weydiistay in la siiyo ilaa boqol xubnood oo uu u dirsado Xajkii aynu ka soo gudubnay.

Dhinaca kalena waxay Madaxda dowladda dharbaaxadii labaad kala kulmeen isla Jaamacadda Carabta oo yaboohii loo sameeynayay dib u dejinta dowladda sheegtay in ay ku taageerayaan lacag gaareeyso Hal Milyan oo Dollar taasoo filan waa ku noqotay Madaxda dowladda cusub maadama sida la ogaa Dowladdii Cabdiqaasim uu Sacuudiga oo qura ugu deeqay bilihii ugu horeeyay lacag ka badan shan iyo toban Milyan oo Dollar inta la ogyahay, waxayna arrintani mar kale daaha ka rogtay sida uu u xun yahay xiriirka ka dhaxeeya dowladda cusub ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, laga soo bilaabo wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo aan laga dareemin inuu wax ahmiyad ah siinayo Jaamacadda Carabta, taasoo marag muujin loogu soo qaato safaradiisii ugu horeeyay ee uu ku tagay Dalalka Itoobiya iyo Uganda, isagoo guusha doorashadiisa kadibna aan mahadnaq iyo soo dhaweyn ujeedin Jaamacadda Carabta oo uu xilligaas goobjoog u ahaa siyaasiga weyn ee Dr Caamir Muusa oo xoghaye guud ka ah Ururka ay ku mideysan yihiin ee loo yaqaan Arab League, waxaana la sheegay in Cabdullaahi Yuusuf uu guuldaradii heshay TNGda Carta uu ku sababeeyay in Madaxweynihii ka horeeyay ee Dr Cabdi Qaasim Salaad uu booqashadiisii ugu horeeyay ka lug bilaabay Dalalka ku jira Jaamacadda Carabta, walow ay haatan Dowladda cusub bilaabeyso dhadhaminta miraha qaraar ee ay ka abuuraneyso dhinaca Jaamacadda Carabta, inkastoo laga yaabo in uu Madaxweynuhu qabo in aan loo jebi doonin taageeradda Carabta.

WAXAA QORAY:

Xasan Maxamud Axmed (Xasan Fanax)
hassanfanax@yahoo.com
Nairobi, Kenya






 




Maxamed Ibraahim Xaabsade oo lagu dhex celcelinayo Magaalada Nairobi, si aan loogu ogolaan inuu ku biiro Koox ka soo horjeeda Dowladda cusub oo fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo

Sabti, January 22, 2005 (HOL) @17:30GMT: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Maxamed Ibraahim Xaabsade oo aan ka mid noqon Golihii Wasiiradda ee ugu dambeeyay haatan laga hortaagan yahay socdaal uu sheegay inuu ugu soo amba baxayo Magaaladda Baydhabo oo haatan xarun u ah garabkii RRAda ee uu hoggaamin jiray, kuwaasoo ka soo horjeeda dowladda cusub ee Soomaaliya, sida uu dhowr jeer hore u sheegay Aadan Saransoor oo ku sime u ahaa Xaabsade balse dhowaan sheegtay inuu la wareegay xilkii Guddoomiyenimo ee garabkii uu Hoggaaminayay Mudane Xaabsade.

Wararka waxay sheegayaan in Xaabsade laga baajiyay Safar uu Khamiistii uga soo amba bixi lahaa Magaalada Nairobi, isagoo sida la sheegayana diiday balanqaadyo dhowr ah oo la siiyay oo ay ka mid tahay inuu Madax u noqon doono mid ka mid ah Guddiyada Qaranka ee la magacaabi doono, si looga baajiyo inuu ku biiro kooxdiisii hore ee diidmadda kaga soo horjeedda dowladda Federalka KMG ah walow ay degaankaasina ku sugan yihiin kooxo kale oo iyagu aad u taageersan dhismaha Dowladda Cusub ee Soomaaliya, lamana yaqaano inuu Mudane Xaabsade ka dhabeyn doono safarka uu ugu soo jeedo Gudaha Soomaaliya iyo in uu ka war dhowri doono balanqaadyada la siinayo ee xilalka uu qaban doono Mustaqbalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 

                wara kookooban

 

waxaa laga hortagay lana joojiyay banaanbax lagu taageeri lahaa cabdulaahi yuusuf axmed oo ka dhici lahaa tarabuunka oo ay soo qaban qaabiyeen kooxo taageersan cabdi qaasin iyo  ururada bulshada rayidka ah waxaana joojiyay dadwene gadoodsan oo qarkood taageersan yihiin madaxweyne cabdi nuur darmaan

labo maalmood kadib waxaa lagu qabtay fakaaraha tarabuunka banaanbax looga soo horjeedo doorashada cabdulaahi yuusuf axmed waxaana banaanbaxaas soo qaban qaabiyay xubnaha xoghayaasha golaha dowlada iyo xubno ka socday xisbiga midnimada jamhuuriga iyo golaha halgamayaasha qaranka somaliyeed waxaa fagaraha tarabuunka isugu yimid dadwene aad u fara badan oo ku dhawaaqayay erayo ey kaka soo hor jeedaan cabdulaahi yuusuf doorashadiis  oo ay ka mid ahayeen hadhaco cabdulaahi yuusuf iyo doonimeyno dagaal ooge ama dheegyo cab

waxaa goobta banaanbuxu ka socday dadweynihii iskugu soo baxay qudbado u jeediyay xoghayaasha dowlada qaar ka mid ah iyo xubno ka socday xisbiga midnimada jamhuuriga waxa uuna ku soo gaba gaboyay si nabad galyo ah

isla maalintaas waxaa shir jaraid ku qabtay xarnta madaxtooyada madaxwene cabdi nuur darmaan oo sheegay in uu san oqoonsaney madaxtinimada cabdulhaai yuusuf uuna isagu madax ka yahay wadanka waxa kale oo uu sheegay madaxweynuhu inuu booqasho ku tagay gobolada dalka qaarkood qaarna uu hada u anba baxayo waxa uuna carabk ku dhufta in uu dhawaan booqashu ku tagi doono isaga wafdi uu hogaaminayo jamhuuriyada la baxday somali lan.

waxaa magaalada muqdihso baryahan ka jira diyaargarow loogu diyaargaroobayo sida cabdulahi yuusuf uusan cagaha u soo dhigeen magalaada muqdisho iyo gobalada la dariska ah

waxaa isku soo doway wariye madax banaan,

cabdi risaaq m.m.shiikha

 

 

 

 
 

 

 

The is the website for the Somali news and information all rights reserved you want to publish any content please do so but give the credit the Somali news and information center